XOG XASAASI: Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir CCW oo Jawaab lama filaan ah siiyay RW Xasan Cali Kheyre

Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir, Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame/Sawir Hore/Keydka

Kismaayo (Halqaran.com) – Ra’iisul Wasaaraha Federaalka ah ee Soomaaliya oo Khudbad ka jeedinayey munaasabad lagu xusayay Maalinta Calanka Soomaaliya oo xalay lagu qabtay Muqdisho ayaa ku baaqay midnimo iyo ilaalinta madax banaanida Soomaaliya.

Waxaa uu sheegay in qof walba oo Soomaali ah muxaafid iyo mucaarad looga baahan yahay inay ka qeyb qaataan ilaalinta xaduudkeena Baddeena iyo madax banaaninadeeda,isla markaana taariikhda ay qori doonto, waxaana hadalka Ra’iisul Wasaare Kheyre ka jawaabay Hoggaamiyaha xisbiga Wadajir.

Waxaa uu sheegay ilaalinta Qaranimada Soomaaliya in ay ku xiran tahay in Askarta Ajnabiga laga wareejiyo Madaxtooyada, islamarkaana lagu wareejiyo askar Soomaaliyeed.

“Difaaca xudduudda dalkeenna waxay ka billaabataa askarta ajnabiga ah oo ammaanka Madaxtooyada laga wareejiyo, lana helo askari Soomaaliyeed oo gaar ka haya xadka dhul, cir iyo bad ee geyigeena” ayuu yiri Hoggaamiyaha xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan C/shakuur Warsame.

“Soomaali isku dan ah, dareen isku mid ah ka qabta halista qaran, hiigsi iyo himilo mid ah leh ayaa dal difaacan karta. Taariikhduna waxay si togan u xusi doontaa siyaasigii taa ka mira dhaliya, waxayna si taban diiwaan u gelin doontaa siyaasiga ku hawlan horgelinta aragti haraadi ah oo qaran jabkeenna horseeday” ayuu hadalkiisa ku sii daray.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com