XOG XASAASI AH: Maxaa ka jira in Xukuumada Somaliland ay la heshiisay Jabhad dagaal ka dhan ah iclaamisay?

Boorame (Halqaran.com) – Xukuumada Somaliland ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Muuse Biixi ayaa ku guuleysatay inay soo xero galiso Jabhada (Xoreynta Awdal) oo dhowaan si weyn ugu hanjabtay xukuumada Muuse, kuna dhawaaqday dagaal ka dhan ah.

Mas’uuliyiinta Somaliland oo gacan ka helaya Aqoonyahan iyo Oday dhaqameed ka soo jeeda gobolka Awdal ayaa ku guulaysatay inay soo afjarto kooxdaasi, isla markaana ay heshiis wada gaaran.

Jabhada iyo Mas’uuliyiinta oo si wada-jir ah ula hadlay warbaahinta ayaa sheegay in wada-hadal kadib ay isla qaateen in la soo afjaro xiisada coladeed ee ka dhex taagneed.

Sidoo kale, waxa la isku afgartay in xukuumada Somaliland ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Biixi ay dusha ku qaadato dhamaan tabashooyinka ay qabto Jabhadaasi, isla markaana laga howl-galo sida ugu dhaqsaha badan.

Si kastaba, xukuumada Somaliland ayaa waxa sanadihii u dambeeyay isa soo tarayey Jabhadaha lagaga dhawaaqayey, kuwaasi oo ka soo horjeeda xukuumada Somaliland ee uu hogaamiyo Madaxweyne Muuse Biixi, taasi oo loo aaneynayo tabashooyinka baahsan ee xukuumada Kulmiye iska dhago tirtay.

→DAAWO MUUQAALLO KALE ,Sii Akhri Wararka Kale ee Maanta:⇓

UPDATE: Wararkii ugu dambeeyay dagaalkii ka dhacay gobolka Bari iyo Khasaare xooggan oo ka dhashay

XASAASI+ SAWIRRO: Maxaa ka ogtahay Ujeedka ka dambeeya Safarka M/weyne ku-xigeenka Jubbaland uu maanta ku tagay Ceelwaaq, Gedo?

XOG XASAASI: Jubbaland oo Shuruud adag ku xirtay inay heshiis la gasho DF Soomaaliya (Maxaa cusub?)

FAALLO – Puntland: Xil ka-qaadis itus oo itaabsii ah!

SAWIRRO: Madaxweynaha Itoobiya oo warqadaha aqoonsiga ka guddoontay Safiirka Cusub ee Soomaaliya

DEG DEG + DAAWO VIDEO: Feysal Cali Waraabe oo waxba u reeban Muuse Biixi‚ ‘‘Meel khatar ah ayuu dalka maanta ka laad-laadaa‘‘!

Madaxweyne Farmaajo oo galabta dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho

SAWIRRO: Somaliya oo ka qeybgashay shirka wasaaradda gaadiidka Jaamacadda Carabta ee ka dhacay Masar

DAAWO SAWIRRO: Kumaandooska lagu soo tababaray dalka Turkiga oo Muqdisho la keenay +VIDEO

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com