Bidix, Axmed Madoobe iyo Maxamed Cabdullaahi Farmaajo / Sawir hore
Bidix, M/weynaha Jubbaland Axmed Madoobe iyo M/weynaha Somaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo / Sawir hore

Kismaayo (Halqaran.com) – Iyadoo khilaaf xoogan uu maamulka Jubbaland kala dhaxeeyo Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa waxay sharuud ku xirtay in wada hadalo xal looga gaarayo khilaafkaasi ay la gasho Dowladda Federaalka.

Khilaafka labada dhinac ayaa cirka isu shareeray ka dib markii doorasho uu murun hareeyay mar labaad lagu soo doortay Madaxweynaha Maamulka Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) iyo Dowladda Federaalka oo xabsiga dhigtay Wasiirkii Amniga Jubbaland, Cabdirashiid Xasan Cabdinuur (Janan).

Muddooyinkii ugu dambeeyay ayaa waxaa socday dadaalo laga dhex waday Dowladda Federaalka iyo Maamulka Jubbaland, si looga gudbo khilaafka jira, waxayna dadaaladaasi u muuqdaan kuwo guuldareystay.

Madaxweyne Ku-xigeenka 1aad ee Maamulka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan, ayaa waxaa uu sheegay inaanay Jubbaland wax wada hadal ah la geli doonin Dowladda Federaalka, inta uu u xiran yahay Wasiir Janan.

Maxamuud Sayid Aadan, oo gelinkii dambe ee Khamiistii shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Kismaayo ayaa sheegay in Madaxda Jubbaland ay go’aansadeen inaanay la hadlin Dowladda Federaalka, illaa iyo inta laga soo sii deynayo Wasiir Janan.

Madaxweyne Ku-xigeenka ayaa Dowladda Federaalka ku eedeeyay in ay maxkamad horkeentay Wasiir Janan, xilli sida uu sheegay uu cadaalad-darro ugu xiran yahay Magaalada Muqdisho.

Si kastaba ha’ahaatee, madaxtooyada maamulka Jubbaland ayaa horey uga biyo diiday dalab kaga yimid Wasaaradda Arrimaha Gudaha Soomaaliya, oo ahaa in doorasho ku celis ah la qabto.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here