Saturday, June 20, 2026
25.7 C
Mogadishu

UPDATE: Wararkii ugu dambeeyay dagaalkii ka dhacay gobolka Bari iyo Khasaare xooggan oo ka dhashay

Boosaaso  (Halqaran.com) – Waxaa faah-faahin dheeraad ah ka soo baxaya dagaal ku dhex maray deegaanka Af-Urur ee gobolka Bari ciidamada Puntland iyo maleeshiyaadka Ururka Al-Shabaab ka tirsan.

Warar ay haleyso Halqaran.com ayaa tibaaxaya, in duqeyn hoobiyaal ah ay ku soo qaadeen maleeshiyaadka Al-Shabaab saldhig ay ciidamada Maamulka Puntland ku lahaayeen deegaanka Af-Urur.

Hoobiyaasha kadib ayaa la sheegay in dagaal xoog leh uu ku dhex maray maleeshiyaadka Al-Shabaab iyo ciidamada Maamulka Puntland meel u jirta 8km deegaanka Af-Urur.

“Waxaa dagaalku ka dhacay meel la yiraahdo Marada-Goobtaa oo ilaa 8km u jirta magaalada, halkaa dagaal xooggan baa ku dhexmaray, waxaana dib loo riixay qoladii waa la kiciyay Al-Shabaabta ahayd, Xaggaa iyo Marraje” ayuu yidhi guddoomiyaha deegaanka Af-Urur oo Warbaahinta la hadlay.

Wararka ayaa sheegaya in Khasaare uu soo kala gaaraya labada dhinac, iyadoo maamulka Puntland saraakiil u hadashay ay sheegeen in illaa 15 ka mid ah maleeshiyaadka Al-Shabaab, halka labo askari ay ka dhinteen ciidamada maamulka Puntland.

Ugu dambeyn, Deegaanka Af-Urur ee Gobolka Bari ayaa ah meel ay saldhig ku leeyihiin ciidamada maamulka Puntland, balse dagaalamayaasha Al-Shabaab ayaa weerar ku soo qaada saldhigga ay ciidamada Puntland ku leeyihiin deegaankaas.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...