Wednesday, May 27, 2026
26.5 C
Mogadishu

XOG XASAASI AH: DF Somaliya oo Wafdi u dirtay Puntland si loo xaliyo khilaafka xoogeystay ee ka dhex taagan!

Boosaaso (Halqaran.com) – Wararka ka imaanaya Magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari ayaa waxa ay sheegayaan, in Wafti ka socda dowladda Federaalka oo ay ka mid yihiin xubno ka tirsan Golaha Wasiirada maanta ay gaareen Magaaladaasi.

Wafdigan ayaa u tagay Magaalada Boosaaso dhammeynta Khilaafka ka dhex taagan dowladda dhexe ee Soomaaliya iyo maamulka Puntland oo gaaray heer aysan kasoo qeyb galin Shirarka dowladda.

Waftigaan ka socda Federaalka oo dhammaantood Puntland ka soo jeeda ayaa kulan la leh  Madaxweyne Saciid Deni si ay uga dhaadhiciyaan la shaqeynta dowladda dhexe ee Soomaaliya.

Madaxweyne Dani ayaa ku shaqeynaayay maalmihii ugu dambeeyay Magaalada Boosaaso.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...