Tuesday, April 21, 2026
29.6 C
Mogadishu

Wararkii ugu dambeeyay ciidamo uu hoggaaminayay Farxaan Qarxoole oo lagu qarxiyay duleedka Muqdisho +Khasaare

Muqdisho (Halqaran.com) –  Waxaa faah-faahin dheeraad ah kasoo baxaya Qarax miino oo xalay Deegaanka Siinka Dheer ee Duleedka magaaladda Muqdisho, kaasoo lala eegtay Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Dowladda Soomaaliya gaar ahaan kuwa Haramcad loo yaqaano.

Qaraxa oo ahaa Miino dhulka lagu aasay ayaa la kacday mid kamid ah Gaadiidka Ciidamadda Booliska waxaana ka dhashay khasaare kala duwan.

Ciidamadda la qarxiyay oo ku wajahnaa Dhanka Gobolka shabeelaha Hoose waxaa hoggaaminayay Farxaan Maxamuud Qaroole.

Wararka ay helayso mareegta Halqaran.com, ayaa sheegaya, in dhowr askari ay dhaawacyo kasoo gaareen Qaraxa ka dhacay Deegaanka Siinka Dheer ee duleedka magaalada Muqdisho.

Ururka Al-Shaabab ayaa inta badan sheegta Mas’uuliyadda Qaraxyada lala eegto Ciidamada Dowlada Duleedka Magaalada Muqdisho.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...