Tuesday, April 21, 2026
28.1 C
Mogadishu

UPDATE: Maxay Somaliland kaga jawaabtay dalabka Korneyl Caarre iyo Jabhadiisa?

Korneyl Caarre iyo Jabhadiisa/Sawir hore/Keydka Halqaran.com

Hargeysa (Halqaran.com) – Xukuumada Somaliland ayaa ka jawaabtay hadal ka soo yeeray Kornaylka hoggaamiyaha Jabhada ku sugan gobolka Sanaag ee Caarre.

Wasiirka dhallinyarada iyo ciyaaraha Somaliland, Boos Mire Maxamed ayaa difaacay go’aanka madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi uu ka qaatay cafiska ciidamada la socda Kornayl Caarre iyo shuruuda uu ku xiray hoggaamiyaha jabhada.

“Madaxweynuhu beel dhan ayuu la kulmay oo saladiinteedii, odayaasheedii iyo waxgaradkeedii waad arkayseen oo meel lagu kala maqnaa may ahayn, waxaana la guddoonsaday nabad galyo, madaxweynuhuna wuxuu awooda u lahaa sharciyan inuu cafiyo halkii ayuu kaga dhawaaqay wixii kalana in laga wada arinsado oo sida ugu dhaw loo xaliyo ayuu sheegay, waana lala wada qaatay dhibaatooyinkaasina mudo ayey soo jiitameen sidaas loo wada qaatay ayaanay ku dhamaanaysaa.”ayuu yiri wasiir Boos Mire.

Sidoo kale, wasiir Boos Mire oo hadalkiisa sii wata ayaa yiri, “Caare waa inan ka mid ah inamadeena markii uu yiri ima mataalan madax dhaqameedkaasi dadkii meesha marayey malaa waa la kala yaqaanaa ummadee way cadahay inay matalaan.”

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...