Friday, April 17, 2026
27.8 C
Mogadishu

XOG: Maxaa ka ogtahay in maamulka Jubbaland uu qiil u sameeyay awaamiirta cuslaa ee uu Kismaayo ku soo rogay ?!

Kismaayo (Halqaran.com) – Maamulka Jubbaland ayaa waxay faah faahin ka bixisay awaamiirta adag ee maalintii shalay lagu soo rogay Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose.

Guddiga Amniga Jubbaland ayaa waxa uu Talaadadii iclaamiyay laga bilaabo 20-ka bisha August oo shalay ku beegneyd in la xiray dhammaan xuduudaha Magaalada Kismaayo, sida dhulka, cirka iyo badda.

Awaamiirta Guddiga Amniga Jubbaland waxaa faah faahiyay General Cabdi Mahdi C/salaan oo ka mid ah Guddiga Amniga Jubbaland ahna La-taliyaha dhinaca ammaanka ee Madaxweynaha Jubbaland.

Wuxuu sheegay shir deg deg ah oo uu isugu yimid Guddiga Amniga Jubbaland, laguna dhageystay warbixino ay soo bandhigeen laamaha ammaanka Jubbaland, isla-markaana uu garwaaqsaday inay imaan karaan arrimo liddi ku ah amniga.

Sidaasi daraadeed ayuu sheegay in Jubbaland ay si ku meel gaar ahi u joojisay isu socodkii cirka, dhulka iyo badda ee nawaaxiga Magaalada Kismaayo. Waxaa uu intaa ku daray in xanibaadan ay jiri doonto laga bilaabo 20-ka illaa 23-ka bishan. Sababta sidaasi loo yeelayna ay tahay in doorashada ay u dhacdo si nabadgelyo ah.

General Cabdi Mahdi C/salaan ayaa sidoo kale sheegay in la joogteeyay dhaqdhaqaaqyada Ciidamada Booliska Jubbaland iyo kuwa Amisom ee Magaalada Kismaayo, si ay u fuliyan hawlaha amniga ee goobta doorashada.

Ugu dambeyn, Xildhibaanada Baarlamaanka Jubbaland ayaa waxaa lagu wadaa in maalinta Khamiista ay Magaalada Kismaayo ku doortaan Madaxweynaha xigga ee Jubbaland.

Xafiiska Halqaran.com, Kismaayo
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...