Friday, April 17, 2026
27.8 C
Mogadishu

DAAWO SAWIRRO: Maxaa ka soo baxay kulankii maanta RW Kheyre uu xafiiskiisa kula yeeshay wasiir ka tirsan dalka Ingiriiska! +(Ogow Xog badan)

Muqdisho (Halqaran.com) – Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Xasan Cali Khayre ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Wasiiru dowlaha arrimaha dowladda Ingiriiska u qaabishan arrimaha Afrika, Andrew Stephenson.

Ra’iisul wasaare Khayre iyo Andrew Stephenson ayaa ka wada hadlay adkeynta xariirka labada dowladood, horumarrada laga gaaray siyaasadda iyo dhaqaalaha iyo taageerada dowladda Ingiriiska ee Soomaaliya, dib-u-heshiisiinta.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa dowladda Ingiriiska uga mahad celiyay taageerada iyo is-garab istaagga dadka iyo dowladda Soomaaliyeed.

Andrew Stephenson ayaa dowladda ku ammaantay guulaha ay ka gaartay dib-u-qaabaynta maaliyadda iyo siyaassada, waxa uuna ku celiyay in dawladda ingiriiska ay ka go’antahay taageerada dadaallada dib-u-habaynta, hagaaajinta amniga iyo horumarka

Dowladda Ingiriiska oo kamid ah deeg bixiyaasha qaybta wayn ka qaata taageerada dadaaladda dib-u-kabashada dalka ayaa leh xariir soo jireen ah oo qota dheer waxa ay la leedahay dowladda federaalka Soomaaliya.

Xafiiska Halqaran.com, Muqdisho
Halqarannews@gmail.com 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...