Lafta-gareen: ”Ciidamada Xoogga dalka Somaliya Waa Kuwo ku shaqeynaya Qabyaaladda”!

Baydhabo (Halqaran.com) – Madaxweynaha dowlad goboleedka koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta Gareen), ayaa eedeen culus u jeediyay Ciidanka xoogga dalka ee ka tirsan qeybta 60-aad ee fadhigooda yahay magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.

Laftagareen ayaa sheegay isagoo ka hadlayay kulan uu la qaatay Guddoomiyayaasha Maxkamadda Dowladda, in ciidanka ka howlgala Koonfur Galbeed ee Dowladda ka socda inay yihiin kuwo ugu liito.

Sidoo kale, waxa uu sheegay in askarta iyo saraakiisha ka tirsan qeybtaas ay yihiin kuwo qabyaalad ku shaqeynaya, dhibaato ku haya shacabka.

”Askarta ciidanka qeybta 60aad iyo saraakiishooda waa ciidanka ugu liito, inuu dad wax taro iska dhaafee dhibaatada ay sameynayaan iyo wax tarkooda 80% dhibaatada ay sameynayaan ayaa badan,sarkaal iyo askari kuwada mashquulsan dhul ciidan ma noqon karaan Ciidan”, ayuu yiri Cabdicasiis Laftagareen.

Xafiiska Halqaran.com, Baydhabo
Halqarannews@gmail.com