Monday, April 20, 2026
29 C
Mogadishu

XOG: Maraykanka oo doonayo in doorashada Jubbaland ay nabad ku dhacdo +(Ogow Sababta)

Muqdisho (Halqaran.com) – War-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska wasaaradda arrimaha dibadda ee Mareykanka ayaa aad loogu taageeray doorashada maamul goboleedka Jubbaland.

War-saxaafadeedkan ayaa soo saaray afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda ee Mareykanka Mr. Morgan Ortagus.

Kaaliyaha xoghayaha arrimaha siyaasadda ee Mareykanka Mr. David Hale oo shalay soo gaaray magaalada Muqdisho, ayaa kulan la qaatay ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Kheyre.

David Hale ayaa Xasan Cali Kheyre u sheegay, in dowladda Mareykanka ay dooneyso, in doorashada maamul goboleedka Jubbaland ee Soomaaliya ay ku dhacdo si nabad ah.

Hadalkan ka soo yeeray Mareykanka, ayaa u muuqda digniin loo jeedinayo, labada xafiis ee ugu sarreeya dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya.

Mareykanka ayaa si dhow ula socda faragelinta joogtada ah iyo qorshayaasha is-daba jooga ah ee dowladda Soomaaliya ku xagal-daacinayso habsami u socodka doorashada dowlad goboleedka Jubbaland.

Si kastaba, doorashada maamulka Jubbaland, oo iminka mareysa marxaladihii ugu dambeeyay ayaa tallaadadii maanta waxay odayaasha dhaqanka u gudbiyeen, liiska xubnaha ka mid noqon doona baarlamaanka labaad ee maamulka Jubbaland.

Xafiiska Halqaran.com, Kismaayo
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...