Muqdisho (Halqaran.com) – Guddoomiyaha golaha shacabka, mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa warqad wargelin xeritaanka kalfadhiga 5-aad ah u diray dhammaan xildhibaanada golaha shacabka.
Warqada ka soo baxday xafiiska guddoomiyaha ayaa si rasmi ah loogu xeray kalfadhiga 5-aad ee golaha, kalfadhiga 6-aad ayaa la furi doonaa 27 September.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa si rasmi ah u furay Kalfadhiga 5-aad ee Golaha Shacabka 27-kii bishii Maarso 2019.
Xafiiska Halqaran.com, Muqdisho
Halqarannews@gmail.com