Nairobi (Halqaran.com) – Dowladda Kenya ayaa olole ugu jirta sidii ay kursi uga heli laheyd golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay oo ah golaha ugu muhiimsan uguna awoodda weyn goleyaasha Qaramada Midoobay looga arrimiyo.
Madaxweynaha dalka Kenya ayaa Sabtidii la soo dhaafay la kulmay madaxda urur goboleedka Bariga Kaaribiyaan isaga oo kala hadlay in ay taageeraan ololaha Kenya ay ku dooneyso xubin aan joogta aheyn in ay ka helaan golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay muddada u dhexeysa 2021-2022.
Kenya ayaa dooneysa in kursiga ku guuleysato marka uu golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay codka u qaadayaan ka mid noqoshada golaha ammaanka bisha Juun ee sanadka soo socda.
Dowladda Kenya ayaa haddii ay ololahan ku guuleysato golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay kamid noqon doonta bisha Janawari ee sanadka 2021 iyadoo xubin ka sii ahaan doonta golaha inta sanadkaa ka haray.
Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa ah golaha ugu awoodda badan Qaramada Midoobay wax uuna masuul ka yahay hubinta iyo ilaalinta nabad galyada adduunka.
Xafiiska Halqaran.com, Nairobi
Halqarannews@gmail.comÂ