Wednesday, May 6, 2026
30.9 C
Mogadishu

Wararkii ugu dambeeyay ee ninkii Ajnabi ahaa ee lagu dilay Boosaaso

Boosaaso (Halqaran.com) – Wararka naga soo gaaraya Magaalada Boosaaso ee Gobolka Bari ayaa sheegaya in halkaasi lagu dilay nin Ajnabi ah oo u dhashay dalka Kenya.

Dilka ninkaan Ajnabiga ah ayaa waxaa ka dambeeyay Askari la sheegay inuu ahaay ilaaladiisa kaasi oo ku dilay Bartamaha Magaalada Boosaaso.

Askariga dilka gaystay iyo Ninka Kenyanka ah ayaa waxaa soo kala dhex galay muran kaasi oo ugu dambeyn sababay dilka ninka Kenyanka ah.

Ninkaan Ajnabiga ah ee la dilay ayaa lagu soo waramayaa inuu u shaqeynaayay Shirkad qaabilsan Kalluumeysiga.

Ninka dilka gaystay oo baxsaday ayaa waxaa baadigoob ugu jira Ciidamada ammaanka Magaalada Boosaaso.

Xafiiska Halqaran.com, Muqdisho
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...