UPDATE: Ciidamo ka tirsan Puntland oo bartamaha magaalada Boosaaso lagu qarxiyay

Boosaaso (Halqaran.com) – Qarax miino ayaa waxa uu maanta ka dhacay bartamaha magaalada Boosaaso ee gobolka Bari, sida ay dadka deegaanka u xaqiijiyeen Halqaran.com.

Wararka ayaa sheegaya, in qaraxani uu ka dhacay agagaarka Hotel Boosaaso wadada horumarta, waxaana lala eegtay gaari nooca raaxada ah oo ay saarnaayeen Ciidamo ka tirsan Puntland.

Ciidanka la qarxiyay ayaa la sheegayaa inay yihiin Ciidamada PMPF, waxaana dadkii ka agdhawaa goobta ay xaqiijiyeen laba Askari inay ku dhaawacmeen Qaraxaasi.

Ciidanka dhaawacmay ayaa waxaa u soo gurmaday Ciidamo kale oo ka tirsan Booliska Puntland, kuwaasi oo goobta ka qaaday askartii dhaawaca uu soo gaaray.

Ciidamada Booliska Puntland, ayaa wada Baaritaan ku aadan goobta uu Qaraxa ka dhacay.

Ilaa iyo hadda lama oga Al-Shabaab iyo Daacish cidda ka dambeysa qaraxaan Miinada ah ee lala eegtay Ciidamada PMPF ee Boosaaso.

Xafiiska Halqaran.com, Boosaaso
Halqarannews@gmail.com