Wednesday, May 6, 2026
30.9 C
Mogadishu

UPDATE: Ciidamo ka tirsan Puntland oo bartamaha magaalada Boosaaso lagu qarxiyay

Boosaaso (Halqaran.com) – Qarax miino ayaa waxa uu maanta ka dhacay bartamaha magaalada Boosaaso ee gobolka Bari, sida ay dadka deegaanka u xaqiijiyeen Halqaran.com.

Wararka ayaa sheegaya, in qaraxani uu ka dhacay agagaarka Hotel Boosaaso wadada horumarta, waxaana lala eegtay gaari nooca raaxada ah oo ay saarnaayeen Ciidamo ka tirsan Puntland.

Ciidanka la qarxiyay ayaa la sheegayaa inay yihiin Ciidamada PMPF, waxaana dadkii ka agdhawaa goobta ay xaqiijiyeen laba Askari inay ku dhaawacmeen Qaraxaasi.

Ciidanka dhaawacmay ayaa waxaa u soo gurmaday Ciidamo kale oo ka tirsan Booliska Puntland, kuwaasi oo goobta ka qaaday askartii dhaawaca uu soo gaaray.

Ciidamada Booliska Puntland, ayaa wada Baaritaan ku aadan goobta uu Qaraxa ka dhacay.

Ilaa iyo hadda lama oga Al-Shabaab iyo Daacish cidda ka dambeysa qaraxaan Miinada ah ee lala eegtay Ciidamada PMPF ee Boosaaso.

Xafiiska Halqaran.com, Boosaaso
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...