Ciidamada Xoogga Dalka Somaliya: ”16 Al-Shabaab ah ayaan ku dilnay gobolka Shabeellaha Hoose”

Awdheegle (Halqaran.com) – Ciidamada xoogga dalka Soomaaliya ayaa sheegay in ay dileen 16 dagaalyahan oo al-Shabaab ah intii ay wadeen hawlgal ay shalay ka fuliyeen gobolka Shabeellaha Hoose.

Sida lagu daabacay barta Twitterka ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya, howlgalka amniga waxaa laga sameeyay tuulada Shaam oo u dhow deegaanada hodanka ku ah beeraha ee Bariirre iyo Awdheegle oo dhowaan laga xoreeyay kooxda al.Shabaab.

Ilo wareedyada qaara ayaa sheegaya in lix askari oo ka mid ah ciidamada dowladda ay naftooda ku waayeen dagaalka halkaas ka dhacay.

Todobaadkii hore ayay ahayd markii ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ay Al-Shabaab kala wareegeen deegaanka istiraatiijiga ah ee Awdheegle.

Al-Shabaab ayaa isku dayaya in ay weerarro rogaal celis ah kusoo qaadaan deegaannadii muhiimka ahaa ee ay ciidamada dowladdu la wareegen.

Si kastaba, ciidamada Soomaaliya ee uu tababaray Turkiga ayaa safka hore kaga jira duullaanka cusub ee ka dhanka ah Al-Shabaab iyaga oo doonaya in ay dib ula wareegaan goobaha ay wali kaga harsanyihiin gobolka Shabeellaha Hoose.

Xafiiska Halqaran.com, Muqdisho
Halqarannews@gmail.com