Muqdisho (Halqaran.com) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa xalay shir guddoomiyey kulan khaas ah oo looga hadlayay baaritaanada weerarkii ay ku geeriyoodeen masuuliyiintii gobalka Banaadir oo uu ku jiray duqii Muqdisho Eng. Yariisow, kaasi oo ay xogtiisa soo gudbiyeen laamaha Ammaanka ee dalka.
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa amray in labaahiyo macluumaadka dhammaan lalana wadaago Shacabka Soomaaliyeed, balse dalabkaas laamaha ammaanka ayaa ka walaacay, waxayna u sheegeen Madaxweynaha in wax badan oo sir Qaran ah ay ku jirto, sidaas awgeedna si kale loo maareeyo baahinteeda.
Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo howsha soo dhexgalay ayaa Madaxweyne Farmaajo isku dayay in uu ku qanciyo in baaritaanka oo dhan aan la baahin karin, sidaas awgeed warbixin kooban ay sii gudbiyaan golaha wasiirrada shirkooda todobaadkan Khamiista dhici doona.
Xogta ay helayso Halqaran.com, waxay sheegaysaa in uu taasi diiday Madaxweyne Farmaajo, uuna sheegay in haddii aan la baahin wixii dhacay ee lasoo helay ay ka dhalanayso kacdoon dadweyne, ayna sugayaan bulshada Soomaaliyeed in ay xog dhab ah ka helaan wixii dhacay.
Isku soo wada duub, is jiid-jiidka Madaxda dalka ee kuwajahan in labaahiyo xogihii dhacay ayaa ah arrin u taalla laamaha Sirdoonka iyo Madaxweynaha Soomaaliya oo ah Taliyaha guud ee ciidamada.
Waxaana muuqata in ay shacabka Soomaaliyeed sugayaan dhacdadaas murugada laheyd ee ku geeriyoodeen mas’uuliyiintii gobolka Banaadir, wixii laga sameeyo taas oo lagu qiimeyn doono dawladda Faderaalka Soomaaliya waqti xaadirkan.
Xafiiska Halqaran.com, Muqdisho
Halqarannews@gmail.com