Saturday, March 14, 2026
26.8 C
Mogadishu

XOG HOOSE: Guddoomiyaha cusub ee G/Banaadir ‘Cumar Finish’ oo Shuruudo dhanka Amniga ah hordhigay Farmaajo!

Muqdisho (Halqaran.com) – Warar hoose oo aynu haleyno ayaa sheegaya, in guddoomiyaha cusub ee gobolka Banaadir Cumar Maxamed Maxamuud Finish uu la yimid shuruudo ku aadan sida loo sugayo amaanka gobolka Banaadir.

Duqa cusb ee Muqdisho ayaa madaxda sare ee dowladda, si gaar ah Madaxweyne Farmaajo waxa uu hor dhigay dalab ah in la badalo dhammaan mas’uuliyiinta ammaanka gobolka Banaadir.

Mas’uuliyiinta uu doonayo in labadalo Cumar Finish ayaa waxaa ka mid ah guddoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaasadda gobolka Maxamed Cabullahi Tuulax iyo dhammaan saraakiisha iyo ciidamada gacanta ku haya ammaanka xarunta gobolka Banaadir iyo xarumo kale oo muhiim ah.

Sidoo kale, Guddoomiye Cumar Finish ayaa madaxda dowladda shuruud uga dhigay inuu isagu la imaanayo cida sugeysa ammaanka xarunta gobolka ee dowladda hoose, islamarkaana uusan aamini karin ciidamada hadda gacanta ku haya xarunta.

Cumar Finish ayaa si gaar ah shaki uga muujiyay ciidamada ilaalada u ah xarunta gobolka Banaadir oo bishii hore lagu dhex qarxiyey guddoomiyihii isaga ka horeeyay AUN Eng. Yariisow.

Xogta ay heshay Halqaran.com ayaa tibaaxeysa, in guddoomiye Cumar Finish doonayo in uu keensado ciidamo horey ilaalo ugu ahaan jiray oo hadda ka tirsan militariga Soomaaliya.

Xafiiska Halqaran.com, Muqdisho
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...