Saturday, May 9, 2026
27.8 C
Mogadishu

XOG: Dr Gaas ‘‘Madaxweyne Farmaajo Shido gacmahaaga ku falkiso, adiga ayay kugu soo laabaneysaa‘‘!

Madaxweynihii hore ee Puntland, Mudane Cabdiweli Gaas

Muqdisho (Halqaran.com) – Madaxweynihii hore ee Puntland Dr Cabdiwali Maxamed Cali Gaas, ayaa ka hadlay dagaalka Madaxda Dowladda iyo Mucaaradka u dhaxeeya.

Mar uu la hadlayay laanta afka Soomaaliga ee VOA-da ayuu sheegay Cabdiwali Gaas in Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya ay mudan yihiin Ixtiraam.

Waxa uu sheegay in Madaxda Dowladda loogu baahan yahay gaar ahaan Madaxweyne Farmaajo in dalkaan shidada ka jirta laga yareeyo haddii ay yar tahayna la baabi’iyo.

“Waa ka xumahay runtii waxa dhacay, horayna u dhacay, maantana dhacay waa nasiib darro, Madaxweynayaasha dalka ayay soo xukumeen, in la ixtiraamo ayay mudan yihiin qof kasta oo soomaali ka mudan yihiin, waqti adag bey wadankaan u soo shaqeeyeen oo Madaxweynayaal u soo ahaayeen,sideedaba haddii aniga siyaasadda wax un ka bartay Soomaaliya, waxa weeye wadanka haddii ay shido jirto, shidada jirto waa la yeeraa, haddii ay badan tahay waa la yareeyaa, haddii ay yar tahay waa la baaba’iyaa, laakiin maalin walba shido cusub la abuuro oo aan horay u jirin oo gacmahaga ku falkisaa adiga ayay dib kugu soo laabaneysaa dhib ayay keeneysaa dalka u keeneysaa, maamulkaagana u keeneysaa”ayuu yiri Cabdiweli Gaas.

Ugu dambeyn, hadalka Cabdiwali Maxamed Cali Gaas, ayaa ku soo aadaya xili Madaxda Dowladda Soomaaliya ay cadaadis ku hayaan Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya, kuwaasi oo ku sugan Caasimadda Muqdisho.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...