Tuesday, April 21, 2026
29.6 C
Mogadishu

Dawlada Soomaaliya oo Shaqo joojin Ku Sameysay Hey’ado ka Howlgalayay Gudaha Soomaaliya

Muqdisho (Halqaran.com)- War saxafadeed ka soo baxay Wasaarada warfaafainta Soomaaliya ayaa hakisay shaqooyinkii ay dalka ka hayeen laba hey’adood oo kala ah Media Ink iyo Perspective Media, kuwaas oo ka mid ah hey’adaha ka howlgalla Soomaaliya.

Wareegto uu ku saxiixan yahay agaasimaha guud ee wasaaradda warfaafinta Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala ayaa lagu shaaciyey in la hakiyey shaqooyinkii ay dalka ka hayeen labadaasi hey’adood

Sababaha shaqada looga hakiyey labada hey’adood ayaa waxaa lagu sheegay inay raaci waayeen nidaamka ay wasaaraddu u dejisay hey’adaha ka shaqeeya warbaahinta ee ku sugan gudaha dalka.

Warqadaha ka soo baxay wasaaradda ee lagu hakiyay shaqadii labadaas hey’adood si faah-faahsan looguma sheegin qaladaadka ay sameeyeen ee muujinayay inay jebiyaan xeerkii wasaaradda warfaafinta. Hey’adaha Media Ink iyo Perspective Media ayaa waxaa ay ka shaqeeyaan arrimo la xiriira dhinaca warbaahinta, iyaga oo xarumo waaweyn ku leh magaalooyin ay ka mid yihiin Nairobi dalka Kenya iyo magaalada Hargeysa ee Somaliland.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqrannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...