Tuesday, April 21, 2026
28.1 C
Mogadishu

DAAWO SAWIRRO: Muxuu madaxweynaha Koonfur Galbeed ‘Laftagareen‘ kala hadlay Odayaashii reer Waajid ee uu la kulmay?

Waajid (Halqaran.com) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) ayaa waxaa uu habeenkii Isniinta Degmada Waajid ee Gobolka Bakool uu kula kulmay odayaasha iyo waxgaradka ee reer Waajid.

Wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo Isniintii gaaray Degmada Waajid ayaa sheegay inay u yimaadeen, sidii degmadaasi looga saari lahaa go’doominta ay maleeshiyada Al Shabaab ku hayaan.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo sidoo kale u kuurgelaya xaaladda nololeed ee degmadaasi ka jirta iyo sida ay tahay noloshada dadka deegaanka ayaa ka xaal wareystay odayaashii iyo waxgaradkii uu xalay la kulmay.

Maleeshiyada Al-Shabaabka oo dhooban wadooyinka deegaanada soo gala Degmada Waajid ayaa gaadiidka ganacsiga u diiday inay taggaan degmadaasi, haddii kalena ay dab qabadsiin doonaan.

Xaaladda go’doominta ee ka jirta Degmada Waajid ayaa sicir barar ku keentay qiimihii caadiga ahaa ee quutul daruuriga, shidaalka iyo agabyada kale ee ganacsi la kala siisan jiray.

Waxyaabaha nolosha asaasiga u ah ee la keeno Degmada Waajid ayaa si xatooyo ah lagu soo geliyaa degmadaasi, iyadoo dadku uu dhib badan ka maro, sidii uu ku gaarsiin lahaa degmadaasi.

Madaxweyne Laftagareen ayaa shalay degmadaasi ka sheegay in Shabaabku ay reer Waajid u diideen inay hellaan adeegyada caafimaadka, gargaarka iyo waxbarashada, ha yeeshee ay markaan ka shaqayn doonaan, sidii ay heeryadooda dadka deegaanka uga dul-qaadi lahaayen.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...