Hargeysa (Halqaran.com) – Xukuumadda Somaliland ayaa eedeyn iyo cambaareyn culus la kulantay kadib shirkii dhowaan ka dhacay magaalada Yokahama ee dalalka Afrika iyo Japan.
Dowladda Mauritius oo qeyb ka aheyd shirkaasi ayaa Somaliland ku eedeysay inuu ku xadgudbay heshiiskii maxaabiista Burcadbadeedda Soomaalida.
Ra’iisul wasaaraha dalkaasi, Pravind Jugnauth oo si gaar ah ula kulmay xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay ayaa cambaareeyey go’aanka ay Somaliland ku siideysay maxaabiistaasi oo ku xirnaa xabsi ku yaalla gudaha magaalada Hargeysa.
Maxaabiista oo gaarayey illaa 19 ayaa Somaaliland waxa ay sii deysay bishii hore ee July, kadib markii uu cafis u fidiyey Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.
→ Sii Akhri Wararka Kale ee Maanta:⇓
- DHAGEYSO: Maxa Sabab u ah dib u dhacyada badan ee ku yimid Shirka dib u heshiisiinta Galmudug? goormee buu ugu dambeyntii uu furi doonaa?!
- Somali police investigate Jubbaland official in custody
- DHAGEYSO: Wasiir ka tirsan Galmudug oo bah-dilay Ciidamada AMISOM ee la geeyay Dhuusamareeb (Ogow Wax badan)!
Waxaa horay tallaabadaasi u cambaareysay Seychelles oo iyadu soo xukuntay maxaabiistani, looguna talagalay in ay xabsiga ku dhameystaan Hargeysa.
Seychelles ayaa sidoo kale xukuumadda Somaliland ku eedeysay inay jabisay heshiis dhexmaray dalalka dhaca Badweynta Hindiya, kaas oo ku aaddan habka loo wajahayo Burcadbadeedda.
Xafiiska Halqaran.com, Hargeysa
Halqarannews@gmail.com