Saturday, April 18, 2026
29.4 C
Mogadishu

XOG CUSUB: Xukuumadda uu hoggaamiyo Madaxweyne Muuse Biixi oo si kulul loo cambaareeyay, kadib Shirkii Japan iyo Afrika (Maxaa cusub?)

Hargeysa (Halqaran.com) – Xukuumadda Somaliland ayaa eedeyn iyo cambaareyn culus la kulantay kadib shirkii dhowaan ka dhacay magaalada Yokahama ee dalalka Afrika iyo Japan.

Dowladda Mauritius oo qeyb ka aheyd shirkaasi ayaa Somaliland ku eedeysay inuu ku xadgudbay heshiiskii maxaabiista Burcadbadeedda Soomaalida.

Ra’iisul wasaaraha dalkaasi, Pravind Jugnauth oo si gaar ah ula kulmay xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay ayaa cambaareeyey go’aanka ay Somaliland ku siideysay maxaabiistaasi oo ku xirnaa xabsi ku yaalla gudaha magaalada Hargeysa.

Maxaabiista oo gaarayey illaa 19 ayaa Somaaliland waxa ay sii deysay bishii hore ee July, kadib markii uu cafis u fidiyey Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Sii Akhri Wararka Kale ee Maanta:



Waxaa horay tallaabadaasi u cambaareysay Seychelles oo iyadu soo xukuntay maxaabiistani, looguna talagalay in ay xabsiga ku dhameystaan Hargeysa.

Seychelles ayaa sidoo kale xukuumadda Somaliland ku eedeysay inay jabisay heshiis dhexmaray dalalka dhaca Badweynta Hindiya, kaas oo ku aaddan habka loo wajahayo Burcadbadeedda.

Xafiiska Halqaran.com, Hargeysa
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...