Sunday, April 19, 2026
28.2 C
Mogadishu

XOG CUSUB: Wararkii ugu dambeeyay maleeshiyaadkii hubeysnaa ee maanta gudaha u galay magaalada Boosaaso.

Boosaaso (Halqaran.com) – Kooxo hubeysan ayaa lagu soo warramayaa in maanta ay xoog ku galeen gudaha xarunta gobolka Bari ee magaalada Boosaaso.

Wararka ayaa sheegaya, kooxahan hubeysan ay isugu jiraan maleeshiyaad qaab beeleed u abaabulan iyo ciidan ka tirsan Ciidamada Daraawiishta Puntland, oo taageeraya maleeshiyadaasi.

Sidoo kale, wararka ayaa sheegaya in dhinacyadan ay ka gadoodsan yihiin qaabka uu shaqada u wado Madaxweynaha Maamulka Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, sidoo kalena ay la xiriirto shaqaaqaadii dhawaan ka dhacday Magaalada Garoowe.

Nabadoon Sugule Yaasiin Ismaaciil oo ka mid ah Odayaal Dhaqameedyo taageeraya ciidamadan ayaa wuxuu Madaxweynaha Puntland ku eedeeyay in maamulka uu ku wado jiho khaldan.

Nabadoon Sugule Yaasiin Ismaaciil ayaa sidoo kale sheegay in ay hadda gacanta ku hayaan Magaalada Boosaaso, taasina ay ku timid markii ay u dulqaadan kari waayeen nidaamka Madaweyne Deni. Isagoo Madaxweynaha ku eedeyay in xitaa uu diiday inuu la kulmay Odayaaha Dhaqanka, si ay ugu sheegaan waxa khaldan.

Sidoo kale, Nabadoon Sugule oo la hadlay Laanta afka Soomaaliga ee VOA-da ayaa waxaa uu sheegay in aanay qabsashadooda wax qalqal ah ku keeni doonin amnigii Magaalada Boosaaso, xaaladuna ay sidii hore uun ahaan doonto.

Dhanka kale, waxaa soo baxaya warar sheegaya in Maamulka Puntland uu diyaarinayo ciidan uu u diro Magaalada Boosaaso, si ay dib magaaladaasi uga saaraan ciidamada soo galay.

Ugu dambeyn, iska horimaad maanta ciidamadaasi iyo kuwa amniga ku dhex maray kontoroolka Magaalada Boosaaso ayaa waxaa ku dhintay laba qof, halka tiro kalena ay ku dhaawacantay.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...