Saturday, January 17, 2026
27.9 C
Mogadishu

DAAWO SAWIRRO: Laba Nin Al-Shabaab oo maanta Askari ku toogtay Muqdisho oo la qabtay, lana soo bandhigay

Muqdisho (Halqaran.com) – Waxaa galabta saldhiga booliska ee degmada Wadajir ee gobolka Banaadir lagu soo bandhigay laba nin oo dhallinyaro ah oo Arbacadii maanta lagu qabtay degmadaasi, ka gadaal markii ay toogteen askari ka tirsan ciidamada booliska.

Raggan ayaa waxay askariga ku toogteen Suuqa Weyn ee Degmada Wadajir, waxaana dilka ka dib ku baxay ciidamada amniga oo goobtaasi ka ag-dhawaa. Is rasaasayn dhex martay ayaana suurta-gelisay in labadaasi nin gacanta lagu soo dhigo, xilli uu midkood dhaawac yahay.

Gudoomiyaha Degmada Wadajir Cabdiraxmaan Maxamed Macalin Cali, ayaa sheegay in ciidamada amniga ay ku guuleysteen inay gacanta ku soo dhigaan labadaasi nin, wax yar uun ka dib, markii ay dileen askari ka tirsan Ciidamada Booliska.

Ibraahim Cumar Mahadalle (Ibraahim Dheere) oo ah ku-simaha gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna gudoomiye Kuxigeen Dhinaca Maaliyadda ee Maamulka Gobolka Banaadir, oo ku sugnaa goobta labadaasi nin lagu soo bandhigay ayaa sheegay in la horgayn doono sharciga.

Ibraahim Dheere ayaa sheegay in labadaasi xubnood ay ka tirsan yihiin maleeshiyaadka Ururka Al-Shabaab, isla-markaana ay wejihi doonaan cadaaladda.

Si kastaba, tani ayaa yareynaysa eedeymihii inta badan loo jeedin jiray ciidamada ammaanka, ee ahaa in ay ka hortaggi la’yihiin amaba soo qaban la’yihiin Shabaabka bastooladaha la cararaya, ee dilalka ka gaysanaya Magaalada Muqdisho.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...