Sunday, April 19, 2026
27.7 C
Mogadishu

DAAWO SAWIRRO: Sida guddoomiyaha Golaha Shacabka maanta loogu soo dhaweeyay JIGJIGA

Jigjiga (Halqaran.com) – Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya, Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan iyo Wafdi uu hoggaaminayo ayaa Arbacadii maanta gaaray Magaalada Jigjiga ee Xarunta Dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya.

Wafdiga Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo tan iyo Isniintii ku sugnaa Magaalada Addis Ababa ee Xarunta Itoobiya ayaa kula kulmay Gudoomiyaha Baarlamaanka Itoobiya, Tagesse Chafo.

Wafdiga Guddoomiyaha ayaa waxaa Garoonka Garaad Wiil Waal ee Magaalada Jigjiga ku soo dhaweeyay masuuliyiin uu ugu sareeyo Guddoomiyaha Baarlamaanka ee Dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya, Cabdi Maxamed Aadan

Guddoomiye Mursal iyo wafdigiisa ayaa inta ay ku sugan yihiin Magaalada Jigjiga waxay kula kulmi doonaan Madaxda Dowlad Deegaanka.

Tani ayaa noqoneysa markii ugu horeysay oo gudoomiyaha Golaha Shacabka uu booqasho ku taggo Magaalada Jigjiga, tan iyo markii uu xilka qabtay, sanadkii hore ee 2018.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...