Wednesday, January 14, 2026
28.9 C
Mogadishu

XOG CUSUB: Maxaa ka jira in Puntland ay ka laabtay kiiskii loo haystay Xildhibaan Cawil Xasan Daad?

Qardho (Halqaran.com) – In ka badan 20 Xildhibaan oo ka tirsan Baarlamaanka Puntland ayaa kulan kula qaatay Degmada Qardho Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni.

Xildhibaanadan ayaa maanta ka soo ambabaxay Magaalada Garoowe, waxayna Madaxweynaha u sheegeen in ay u wadaan dhambaal raaligelin ah oo ku saabsan arrinta Xildhibaan Cawil Xasan Daad.

Mudaneyaasha Baarlamaanka Puntland ka tirsan waxay Madaxweynaha u cadeeyeen in hab dhaqankii ka dhacay Furitaankii Kalfadhiga 45-aad ee Baarlamaanka Puntland ay ahayd wax aan u khalmin Dowladnimada Puntland ee 21-ka jirsatay.

Xildhibaanada ayaa Madaxweynaha ka codsaday in la cafiyo Xildhibaan Cawil Xasan Daad oo ay Xeer illaalintuna ka laalabato dacwadda ay ka gudbisay Xildhibaanka.

Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni oo si qoto dheer u dhageystay Mudaneyaasha Baarlamaanka ee Qardho ugu yimi arrintan darteed ayaa waxa uu ka aqbalay codsiga ay u soo jeediyeen.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...