Wednesday, January 14, 2026
28.9 C
Mogadishu

Daawo Sawirro: Ciidanka Xoogga dalka oo Gurmadkii ugu horreeyay la gaarsiiyay Baledweyne

Baledweyne (Halqaran.com) – Ciidanka Xoogga Dalka oo u istaagay ka qayb qaadasha gurmadka loo fidinayo shacabka ku barakacay fatahadaha Magaalada Baledweyne ayaa gelinkii dambe Jimcihii maanta gargaarkii ugu horeeyay geeyay duleedka magaaladaasi.

Gargaarkan oo ah wejiga koobaad ee Gurmadka Ciidamada Qalabka Sida ayaa gawaarida waaweyn ee xamuulka lagu geeyay duleedka Magaalada Baledweyne, si loogu qaybiyo shacabka ku dhibaateysan duleedka magaaladaasi.

Gargaarka oo ka yimid dhinaca Galmudug ayaa waxaa bixiyay Saraakiisha iyo Ciidanka Xoogga Dalka qaybtooda Galmudug, kuwaa oo loogu yeero Qaybta 21aad ee Ciidanka Xoogga Dalka.

Qoraal ka soo baxay Taliska Qaybta 21aad ayaa lagu sheegay in gargaarkaasi loo qaybin doono dadka nolosha adag ku haysato duleedka Magaalada Baledweyne.

“Gargaarkan waxaa sida ugu dhaqsiyaha badan loogu qaybin doonnaa Shacabka Soomaaliyeed ee ku tabaaleysan duleedka Baledweyne.” Ayaa lagu yiri qoraalka Taliska Qaybta 21aad ee Ciidanka Xoogga Dalka.

Ugu dambeyn, magaalooyinka Dalka ayaa waxaa ka soconaya barnaamijyo kala duwan oo ujeedkoodu uu yahay in loogu gurmado shacabka ay fatahaaduhu ku khasbeen in ay guryahoodu ka cararaan.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...