Sunday, December 14, 2025
25.5 C
Mogadishu

XOG CUSUB: Ilhaan Cumar ”Madaxweyne Donald Trump nafteeda ayuu halis geliyay”

Washington (Halqaran.com) – Xildhibaanad Ilhaan Cumar oo ka mid ah Baarlamaanka dalka Mareykanka ayaa Madaxweynaha dalkaasi Donald Trump ku eedeysay in uu halis galiyay nafteeda.

Ilhaan ayaa sheegtay in Trump uu baahiyay muuqaal been abuur ah oo la xiriira iyada oo ciyaareysa xilli dadka Mareykanka u murugoonayeen dadkii lagu dilay Mareykanka sanadkii 2001dii.

Muuqaalkaas ayey sheegtay in uu ahaa been abuur Madaxweynuhuna qeyb ka qaatay in muuqaalkaas baaho islamarkaana dadka neceb Ilhaan Cumar u hanjabaan.

Ilhaan ayaa sheegtay in muuqaalka la baahiyay uusan xilligaas ahayn ee uu ahaa mid ku saabsanaa mar loo dabaaldagayay Haweenka Madow ee ku jira Baarlamaanka Mareykanka islamarkaana Trump iyo taageerayaashiisa ay ka been abuuranayaan.

DAAWO MUUQAALLO KALE ,Sii Akhri Wararka Kale ee Maanta:



Muuqaalka ayaa la duubay 13kii September ee sanadkan laba maalmood kaddib baroordiiqda dadkii lagu laayay Mareykanka.

Xuska Haweenka Madow ee Mareykanka ayaa sanad kasta la qabtaa 11ka illaa 1ka September, waxaana muuqaalkaasi Trump ka dhigay in ay ku jees jeeseyso dadkii Mareykanka lagu laayay 11kii Septmber sanadkii 2001dii.

Xafiiska Halqaran.com, Minnesota
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...