Sunday, June 28, 2026
26.1 C
Mogadishu

Rag Burcad ah oo isbaarooyin dhiganayay deegaan muhiim ah oo gacanta lagu soo dhigay

Muqdisho (Halqaran.com) – Ciidamada Booliska dowladda Federalka Soomaaliya ayaa hawlgal ay ka sameeyeen deegaanka Calamada, waxa ay ku soo qabteen rag Burcad ah oo Isbaaro dhiganaayay halkaasi, kadib markii dadka deegaanka ay ku soo wargeliyeen.

Intii Ciidamada ay ku guda jireen hawlgalka Burcad soo qabashada, ayaa waxaa iska hor imaad uu dhexmaray Ciidanka iyo raggii Burcadda ahaay, waxaana halkaasi ka dhashay Khasaare dhaawacyo ah.

Inta la xaqiijiyay Saddex askari ayaa dhaawacyo kala duwan soo gaareen oo mid uu ka tirsan yahay Ciidamada Booliska, halka labada kalena ay yihiin Ciidamadii maleeshiyaadka ahaay ee Isbaarada dhigtay.

Saraakiisha Ciidamada Booliska ayaa sheegay inay gacanta ku soo dhigeen Burcaddii, Islamarkaana loo soo qaaday dhanka Magaalada Muqdisho oo la geeyay Xarunta Dambi Baarista Ciidanka Booliska Somaliyed.

Ciidanka hawlgalkaan fuliyay ayaa ka tirsan Booliska, waxaana soo tababaray Turkiga.

Wadada xiriirisa magaalooyinka Muqdisho iyo Afgooye ayaa waxaa yaallo Isbaarooyin dadka lacago sharcidaro ah looga qaado, kuwaasi oo wadayaasha gaadiidka dhibaato ay ku qabaan.

Xafiiska Halqaran.com, Muqdisho
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...