Muqdisho (Halqaran.com) – Ciidamada Booliska dowladda Federalka Soomaaliya ayaa hawlgal ay ka sameeyeen deegaanka Calamada, waxa ay ku soo qabteen rag Burcad ah oo Isbaaro dhiganaayay halkaasi, kadib markii dadka deegaanka ay ku soo wargeliyeen.
Intii Ciidamada ay ku guda jireen hawlgalka Burcad soo qabashada, ayaa waxaa iska hor imaad uu dhexmaray Ciidanka iyo raggii Burcadda ahaay, waxaana halkaasi ka dhashay Khasaare dhaawacyo ah.
Inta la xaqiijiyay Saddex askari ayaa dhaawacyo kala duwan soo gaareen oo mid uu ka tirsan yahay Ciidamada Booliska, halka labada kalena ay yihiin Ciidamadii maleeshiyaadka ahaay ee Isbaarada dhigtay.
Saraakiisha Ciidamada Booliska ayaa sheegay inay gacanta ku soo dhigeen Burcaddii, Islamarkaana loo soo qaaday dhanka Magaalada Muqdisho oo la geeyay Xarunta Dambi Baarista Ciidanka Booliska Somaliyed.
Ciidanka hawlgalkaan fuliyay ayaa ka tirsan Booliska, waxaana soo tababaray Turkiga.
Wadada xiriirisa magaalooyinka Muqdisho iyo Afgooye ayaa waxaa yaallo Isbaarooyin dadka lacago sharcidaro ah looga qaado, kuwaasi oo wadayaasha gaadiidka dhibaato ay ku qabaan.
Xafiiska Halqaran.com, Muqdisho
Halqarannews@gmail.com