Wednesday, April 29, 2026
31.9 C
Mogadishu

XOG: ”Xisbi ku sheegyada dalka ka jira waa laba wajiilayaal!”, waxa sidaa yiri

Xildhibaan Cabdi-shakuur Cali Mire

Muqdisho (Halqaran.com) – Mid ka mid ah Xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya, ayaa eedeyn kulul kula dul-dhacay xisbiyada Siyaasadeed ee ka jira dalka.

Xildhibaan Cabdi-shakuur Cali Mire oo ka mid ah Xildhibaanada golaha shacabka ayaa waxba u reeban Xisbiyadda Siyaasadeed ee dhisan dalka.

Xildhibaankan oo taageero u ah Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in waxa loogu yeero xisbiyada siyaasadda oo hore u taageeray doorashadii Jubbaland ay hadda cambaareynayaan qodobadii kasoo baxay shirkii dib u heshiisiinta Galmudug.

”Waxa uu sheegay siyaasiyiinta ay yihiin kuwa mowqifyadooda is burinayaan oo laba wejiilayaal ah, waxa loogu yeero xisbiyada siyaasadda ee hore u taageeray nidaamka doorashadii sharci darrada ahaa ee Jubbaland ayaa hadda cambaareynaa natiijadii kasoo baxday shirkii dib u heshiisiinta Galmudug. Mowqifyada iska horjeeda iyo siyaasadda laba wejiilenimada waxay caddeyn u tahay inay danaystayaal yihiin”, ayuu yiri xildhibaan Cabdi-Shakuur Cali Mire.

DAAWO MUUQAALLO KALE ,Sii Akhri Wararka Kale ee Maanta:



Xafiiska Halqaran.com, Muqdisho
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...