Saturday, June 6, 2026
26.5 C
Mogadishu

XOG CUSUB: Guddiga beesha Habar-gidir oo dalab cusub hordhigay DF Somaliya

Wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya Cabdi Sabriye

Hobyo (Halqaran.com) – Guddiga midnimada beelaha Habar-gidir ee lagu soo doortay magaalada Hobyo oo uu hoggaaminayo guddoomiyahooda Prof. Shirwac ayaa galabta maanta wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya Cabdi Sabriye kula kulmay magaalada Dhuusamareeb.

Xubnaha guddiga ayaa wasiir Sabriye ka dalbaday in loo madax baneeyo in ay soo xulaan xildhibaanada baarlamaanka cusub ee Galmudug kasoo galaya beesha Habar-gidir, oo ay guddi ahaan ku matalayaan.

Wasiir arrimaha gudaha Cabdi Sabriye ayaa sida aan xogta ku heleyno ka cudur daartay dalabka guddigaan, isagoo ku war galiyay in madaxweyne Farmaajo uu maalmaha nasoo aadan soo gaarayo Dhuusamareeb arrinkaasna ay isaga kala hadlaan.

Xubnaha guddiga oo dadaal badan ugu jira sidii ay madax banaani ugu heli lahaayeen soo xulidda Xildhibaanada ka imaanaya beeshooda ayaa caawa Dhuusamareeb kulan kula leh hoggaanka sare ee Ahlu-Sunna Waljamaaca, waxeyna kala hadlayaan arrimo la xiriira dhismaha maamulka Galmudug.

Xubno ka tirsan guddiga ayaa mareegta Halqaran.com u sheegay in Ahlu-Sunna ay kala hadlayaan sidii ay ugu guulaysan lahaayeen in ay soo xulaan xildhibaanada Galmudug ee ka imaanaya beesha usoo xulatay in ay mideeyaan.

Ugu dambeyn, dalabkan cusub ee guddigaan ayaa ku soo aadaya iyadoo uu Ra’iisul Wasaare Kheyre ku tala jiro sidii uu uga laaban lahaa heshiiskii ay xukuumaddiisu Ahlu Sunna ugu ogolaatay 30-ka xildhibaan, kaddib markii ay ku dhalatay baqdin ah musharaxa ay codkooda siinayaan.

Xafiiska Halqaran.com, Muqdisho
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...