Sunday, April 19, 2026
29.5 C
Mogadishu

Xisbiga Wadajir oo Walaac ka muujiyay hanaanka maamul dhisida Hirshabelle

Muqdisho (Halqaran.com) – Xisbiga Wadajir oo ka mid ah Xisbiyadda Siyaasadeed ee dalka kajira, hoggaamiyahana ka yahay Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa warsaxaafadeed ka soo saaray hawlaha maamul u dhisida Hirshabeelle oo dhawaan la filayo in uu galo doorasho diyaar garoowgeeda lagu jiro.

War qoraal ah oo soo baxay Xisbiga Wadajir ayaa waxaa lagu baaqay in dib u heshiisiin loo sameeyo beelaha deegaanka inta aan maamulka la dhisin, iyadoo si simana looga qaybgeliyo beelaha iyo saamilayda siyaasadeed dhismaha maamulka iyo dib u heshiisiinta.

Sidoo kale, war-Saxaafadeedka Xisbiga ayaa waxaa lagu sheegay in walaac xooggan ka qabaan habka loo marayo maamul u dhisida Hirshabeelle, islamarkaana aan dib loo soo celin qaabkii loo maray dhismihii hore ee Maamulka Hirshabeelle.

Xisbiga Wadajir ayaa ka digay in qaabka dhismaha maamulka Hirshabeelle loo maro qaab daneysi gaaban iyo sadbursi siyaasadeed oo u jeedkiisu yahay in lagu hanto kursiga xildhibaannada Hirshabeelle kasoo galaya Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...