Baydhabo (Halqaran.com) – Waxaa Arbacadii maanta magaalada Baydhabo ee Xarunta gobolka Baay gaaray wafdi uu hoggaaminayo Wasiiru dowlaha Wasaaradda Waxbarashada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdiraxmaan Maxamed Cabdulle Jaabiri.
Wafdigan waxaa garoonka diyaaradaha magaalada Baydhabo ku soo dhaweeyay Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Koonfur Galbeed, iyada oo intaasi kadib la geeyay Xarunta Madaxtooyada Koonfur Galbeed.
Wasiiru dowlaha Wasaaradda Waxbarashada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdiraxmaan Maxamed Cabdulle Jaabiri ayaa sheegay in u jeedka safarkooda Magaalada Baydhabo uu yahay sidii mashaariic lagu hormarinayo Waxbarashada uga fulin lahaayeen Baydhabo.
Wafdiga ka socda Wasaaradda waxbarashada Soomaaliya ayaa la filayaa inta ay ku sugan yihiin Magaalada Bayhdbao inay booqdaan Xarumo Waxbarasho oo halkaasi ku yaalla sidoo kale ay la kulmaan Madaxweynaha koonfur Galbeed Cabdicasiis Laftagareen.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





