Thursday, January 22, 2026
24.6 C
Mogadishu

DHAGEYSO: Xaliimo Yareey oo shaaca ka qaaday warar la hadal hayay

Muqdisho (Halqaran.com) – Guddoomiyaha guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka Qaranka, Xaliimo Yareey ayaa sheegtay in dad badan is-weedyiinayay maadaama doorasho la galaayo Guddigooda Shaqada ay qabanayaan, waxaana ay sheegtay in shaqadooda aysan aheyn mid dhamaata.

Xaliimo Yareey ayaa sheegay, in Shaqadooda ay tahay diiwaangelinta Xisbiyada, sidoo kalena aysan Shaqadooda hakan doonaan, balse kaliya ay ku joojin karaan haddii uu dalka Milateri la wareego oo wax walba meesha laga saaro.

Guddoomiyaha guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka Qaranka, xaliimo Yareey ayaa sidoo kale xustay, in shaqadooda ay tahay diyaarinta doorashooyin qof iyo Cod ah ee afti dadweyne, islamarkaana qorshahaas ay wadaan.

Ugu dambey, hadalka Xaliimo Yareey ayaa imaanaya, kadib heshiiskii doorasho ee dhawaan Muqdisho lagu gaaray laguna go’aamiyay in la Magacaabo guddiyo kale oo ka shaqeeya arrimaha doorashada, kuwaas oo la wareegaya shaqadii Guddiga Madaxa bannaan ee doorashooyinka Qaranka.

Halka hoose ka dhageyso Codka Xaliimo Yareey:

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...