Mandhera (Halqaran.com) – Labo dhakhtar oo u dhashay dalka Cuba oo Al-Shabaab ay ka soo afduubteen magaalada Mandhera ee dalka Kenya 12-kii bishii April ee sanadkii 2019-ka ayaa la sii daayay.
Sida laga soo xigtay sarkaal ka tirsan Sirdoonka DF Soomaaliya ayaa la sheegay in la sii daayay dhakhaatiirtaan dhamaadka isbuucii la soo dhaafay, kaddib wada-hadallo lala yeeshay kooxihii afduubka u heystay.
Wasiirka arrimaha dibada ee dalka Cuba, Bruno Rodriguez ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Tweeter-ka ku sheegay in la sii daayay labada dhakhatar, isagoona uga mahadceliyay dowlada Soomaaliya caawinta ay siisay.
Ilaa iyo hadda ma cadda inay jirto madax furasho la bixiyay si loo sii daayo, hayeeshee Dowladda Cuba ayaa xaqiijisay siideynta labada dhakhtar, halka Kenya dhankeeda ay sheegtay inay maqleen siideynta labada dhakhtar, balse aysan ka warqabin halka ay ku dambeeyeen.
Dhakhaatiirtaan oo lagu kala Magacaabo Assel Herrera iyo Landy Rodriguez ayaa waxaa ay ka mid ahaayeen koox ka socotay dalka Cuba oo ka kooban 100 xubnood oo Kenya u yimid inay ka shaqeeyaan heshiis dhexmaray labada dal.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





