Sunday, May 31, 2026
28.1 C
Mogadishu

Xildhibaano bedalaya Xildhibanadii Puntland ee Xasaanadda laga qaaday oo maanta la dhaariyay

Garoowe (Halqaran.com) – Fadhiga 25-aad, Kalfadhiga 47-aad ee Golaha Wakiilada Dowlad Goboleedka Puntland oo uu shir guddoomiyey Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Cabdirashid Yusuf Jibroil oo ay wehliyaan ku xigeenadiisa ee koobaad iyo labaad ayaa maanta looga hadlay soo jeedinta ogolaanshaha Xubinnimada 8 Xildhibaan oo cusub iyo ka doodista Hindise Xeereedka Diiwaangelinta Cod-bixiyaha.

Kulanka Golaha intiii uu socday ayaa waxaa goobta lagu dhaariyay 8 Xildhibaan oo cusub, kuwaas oo bedelay Xubnihii hore ee laga Xayuubiyey Xubinnimadii iyo Xasaannadii ay lahaayeen.

Xildhibaannada Cusub ee maanta loo dhaariyay kamid noqoshada Golaha Wakiilada puntland oo gaaraya 8 mudane ayaa waxaa ay Magacyadooda kala yihiin.

  1. Xildhibaan Cabdirashiid Maxamuud Yuusuf (Afgaduud)
  2. Xildhibaan Maxamed Cabdi Faarax
  3. Xildhibaanad Maryan Cismaan Axmed Fangase
  4. Xildhibaan Faarax Sulub Jaamac
  5. Xildhibaan Maxamed Maxamuud Saalax (Abuu baraa)
  6. Xildhibaan Cabdicasiis Xuseen Maxamuud (Garagoos)
  7. Xildhibaan Cabdiqani Nuur Faarax Muuse
  8. Xildhibaan Cabdullahi Maxamed Gurey Mirood

Siddeeda mudane oo horay Xasaanada iyo xubinimada Baarlamaanka Puntland laga xayuubiyay ayaa kasoo horjeestay, iyaga oo tallaabadaas ku tilmaamay mid sharci darro ah oo looga hortayay mooshin ay ka gudbiyeen Guddoomiyaha Baarlamaanka Maamulka Puntland.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...