Wednesday, July 15, 2026
25.4 C
Mogadishu

Faah-faahin iyo Wararkii ugu dambeeyay dagaal ka dhacay Sh/Hoose

Sh/Hoose (Halqaran.com) – Waxaa faah-faahin ka soo baxaya dagaal khasaaro kala duwan geystay oo xalay ka dhacay degmada Buulo-mareer ee gobolka Shabeellaha hoose.

Dagaalkan ayaa waxa uu u dhaxeeyay ciidamada Uganda oo ka tirsan howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM iyo Ururka Al-Shabaab.

Wararka ayaa sheegaya, in dagaalkan uu yimid, kadib markii Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen saldhig Ciidamada Uganda oo ka tirsan howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM ku leeyihiin degmada Buulo-Mareer ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Dadka degmada  Buulo-Mareer ayaa waxaa ay sheegeen inay maqlayeen dhawaqa rasaasta ay isku adeegsanayeen labada dhinac, hayeeshee aysan xaqiijin Karin khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay maadaama xilli habeen ah uu dhacay dagaalka.

Waxaa jira khasaaro labada dhinac kasoo gaaray dagaalka, balse laamaha amniga degmada Buulo-Mareer iyo Saraakiisha Ciidamada Uganda weli kama hadlin dagaalka ka dhacay degmadaasi Buulo-Mareer.

Ugu dambeyn, Xaaladda degmada Buulo-Mareer ayaa lagu soo waramayaa inay hadda degan tahay, islamarkaana isku socodka dadka iyo Ganacsiga ay si caadi ah u shaqeeynayaan.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...