Sunday, May 31, 2026
28.1 C
Mogadishu

DHAGEYSO: Cabdi Xaashi ”Madaxweyne Farmaajo ma uusan qaddarin waajibaadka dastuurka uu siiyay Aqalka Sare”

Muqdisho (Halqaran.com) – Guddoomiyaha Aqalka Sare ee BF Soomaaliya, Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa ku eedeeyay Madaxweyne Farmaajo in uusan qaddarin waajibaadka dastuurka uu siiyay Aqalka Sare.

Guddoomiye Xaashi oo la hadlay laanta Af Soomaaliga ee BBC-da ayaa yiri; “Aqalka Sare ee baarlamaanka Federaalka Soomaaliya sida uu dastuurka qaranka sheegayo, waa wakiilka dowlad goboleedyada, waa ilaaliyaha nidaamka federaalka ee dalkan”

Sidoo kale, wuxuu xusay in uu ka xun yahay in aanan lagu casuumin shirka maadama Aqalka Sare uu waajib ka saaran yahay xallinta khilaafka soo gala dhexgala dowladda dhexe iyo maamul goboleedyada.

“Waxaan ka xumahay muddadaa uu jiray Aqalka Sare in madaxweyna uusan aqoonsanin tixgelinin waajibaadkaa dastuuriga ah ee dastuurka siiyay Aqalka Sare, khilaaf kasta iyo wadahadal kasta oo dhexmara dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada, Aqalkaasi in uu yahay midka shirarkaas muhiimad gaar ah ay ka saaran tahay oo dhexdhexaadiye ah”, ayuu yiri Cabdi Xaashi oo shir jaraa’id maanta ku qabtay magaalada Muqdisho.

Guddoomiyaha Aqalka sare ee BF Soomaaliya ayaa hadalkiisa ku soo aadaya, xilli magaalada Dhuusamareeb ay isugu tageen madaxda Dowlad Goboleedyada iyo Dowladda Federaalka si ay uga wadahadlaan muranka harreeyay hannaanka doorashada Soomaaliya.

Halka hoose ka dhageyso Wareysiga Guddoomiye Cabdi Xaashi:

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...