Tuesday, March 17, 2026
27.2 C
Mogadishu

Xildhibaanno ka tirsan Golaha Wakiilada Somaliland oo Mooshin gudbiyay

Hargeysa (Halqaran.com) – Illaa iyo 26 xildhibaan oo ka tirsan golaha Wakiilada Somaliland ayaa shirgudoonka golaha wakiilada u gudbiyey mooshin.

Mooshinkan ayaa ku saabsan in aanu madaxwaynuhu golaha wakiilada ku soo celin karin masuul uu soo magacaabay oo aanu goluhu codka kalsoonida siin.

Sida ku xusan mooshinka haddii masuul uu madaxwaynuhu magacaabay uu golaha wakiilada ka waayo codka kalsoonida, waa in aanu madaxwaynuhu isla xubintaa golaha ku soo celin, oo uu ku badalo masuul kale.

Si kastaba, golaha Wakiilada Somaliland ayaa dhawaan diiday xubno ka mid ah golaha Wakiilada oo uu soo magacaabay Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, waxaana la sheegay in uu qorsheeyay in uu Mar kale xubnahaasi dib ugu soo celiyo golaha.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...