Friday, June 5, 2026
28.1 C
Mogadishu

Xal loo helay Shidaal la’aantii ka jirtay deegaannada Puntland, kaddib markii…

Boosaaso (Halqaran.com) –  Waxaa dekedda magaalada Boosaaso ku soo xirtay markab sida shidaal badan Xilli ay deegaannada Puntland ka jirtay baahi shidaalka noocyadiisa kala duwan ah maalmihii lasoo dhaafay.

Masuuliyiinta Dekedda Boosaaso ayaa sheegay in Markabkan uu 12 beri taagnaa badda, kaddib markii uu dekedda Boosaaso ka waayay meel uu kaga xirto, taas oo sababtay in sicirka shidaalka uu kor u kaco deegaannada Puntland.

Markabka markii uu soo xirtay waxaa dekedda buux-dhaafay gaadiidka shidaalka qaada, kuwaas oo shidaalka u kala daabulaya gudaha magaalada Boosaaso iyo magaalooyinka kale ee Puntland.

Toddobaadyadii la soo dhaafay dekedda magaalada Boosaaso ayaa waxay aheyd mid aad mashquul ah, waxaana ka dhoofayay xoolo loo iibgaynayay dalalka Carabta.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...