Update: Xildhibaannada Golaha Shacabka oo berri kulan muhiim ah ku leh Villa Hargeysa

Muqdisho (Halqaran.com) – Xildhibaanadda golaha shacabka ee BF Soomaaliya ayaa Isniinta berri ah kulan ku yeelanaya xaruntooda Ku meel gaarka ah ee Villa Hargeysa ee magaalada Muqdisho.

Kulankaan ayay uga doodi doonaa Akhrinta 1-aad Hindise sharciyeedka adeegyada baaritaanka beeraha Soomaaliyeed.

Hindise sharciyeedka ayaa waxaa soo diyaarisay wasaaradda beeraha iyo waraabka ee dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Xilidhibaannada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa lagu wadaa inay akhrinta 2-aad marsiiyaan hindise sharciyeedka hay’adda socdaalka iyo Jinsayadaga .

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com