Saturday, May 30, 2026
26.1 C
Mogadishu

Sii-hayaha RW dalka ‘Mahdi’ oo guddoomiyay shir looga hadlay dhaqaalaha & deyn cafinta

Muqdisho (Halqaran.com) – Sii hayaha Ra’iisul Wasaaraha dalka, mudane Mahdi Maxamed Guuleed, ayaa maanta guddoomiyay shir looga hadlay dhaqaalaha dalka iyo dardar gelinta qorshaha deyn cafitna dalka.

Kulanka oo ay ka qeyb galeen sii hayaha wasiirka maaliyadda, guddoomiyaha bangiga dhexe iyo mas’uuliyiinta hey’adaha iyo wasaaradaha qeybta ka ah tubta horumarinta dhaqaalaha ayaa looga dooday arrimaha dhaqaalaha dalka, gaar ahaan dhibaatadii ka dhalatay xanuunka COVID19.

Sidoo kale kulanka ayaa looga dooday isu diyaarinta shir dhex maraya dowladda iyo IMF oo kamid ah imtixaanaadkii joogtada ahaa ee lagu ogaanayay sida dowladdu ay usoo buuxisay shuruudihii deyn cafinta.

Dhamaan wasaaradaha iyo hey’adaha dowladda ee ka tirsan tubta horumarinta dhaqaalaha ayaa la faray inay qeybta uga aadan ka qaataan qorshaha deyn cafinta dalka si loogu guuleysto dhammaan shuruudaha loona gaaro himilooyinka ummadda Soomaaliyeed.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com  

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...