Thursday, April 30, 2026
29.9 C
Mogadishu

Xildhibaan ka tirsan maamulka Hirshabelle oo la Afduubtay

Muqdisho (Halqaran.com) – Kooxo dabley ah oo loo maleynaayo inay ka tirsan yihiin Ururka Al-Shabaab ayaa gaari Hoomey kala dagay Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Hirshabelle, kaasi oo ku safraayay inta u dhaxeysa magaalooyinka Jowhar iyo Muqdisho.

Xildhibaankan oo magaciisa lagu sheegay, Maxamed Maxamuud Siyaad ayaa laga qafaashay xilli gaariga uu maraayay meel ku dhaw deegaanka Gololey.

Masuuliyiin ka tirsan Maamulka Hirshabelle ayaa xaqiijiyey afduubka loo gaystay Xildhibaankan ka tirsan Baarlamaanka Maamulka Hirshabelle.

Wararka ayaa sheegaya, in Shabaabka afduubtay Xildhibaanka ay kaligiis gaariga kala dageen, waxaana ay fasaxeen dhammaan rakaabkii kale ee saarnaa gaariga shacabka, kaasi oo ku sii jeeday Magaalada Jowhar.

Ilaa iyo hadda lama oga halka ay Al-Shabaab xildhibaankaasi ay u afduubteen, balse wararka qaar ayaa sheegaya in Xildhibaanka ay geeyeen deegaanka Yaaqle oo ka tirsan Shabellaha dhexe.

Waddada isku xirta magaalooyinka Muqdisho iyo Jowhar ayaa ah mid aad u xun ammaankeeda, waxaana dhowr jeer halkaasi lagu dilay mas’uuliyiin.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...