Thursday, April 30, 2026
29.9 C
Mogadishu

Maxaa ka jira inuu dib u dhac ku yimid shirkii uu Farmaajo ugu yeeray madaxda maamul goboleedyada?

Muqdisho (Halqaran.com) – Shirkii uu madaxweynaha JF Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ugu yeeray inay isugu yimaadaan madaxda DF Soomaaliya iyo maamul goboleedyada dalka ka jira ayaa dib u dhacay ku yimid.

Shirka oo la qorsheeyay inuu socon doono inta u dhaxaysa 5-8 Luulyo, 2020 ayaa ajandihiisu ahaa sidii wadatashiyo ballaaran looga yeelan lahaa doorashooyinka dalka, arrimaha amniga, dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, dhammeystirka dib u eegista dastuurka iyo horumarinta dhaqaalaha dalka.

Waxaa horay shirkaan u qaadacay Madaxweynayaasha Puntland & Jubbaland oo ku gacan seyray ka qayb galka Shirkaasi, waxaana ay si toos ah uga sheegeen Warbaahinta.

Shirkaan maanta baaqday ayaa waxaa ka horeeyay shir dhanka Internetka ay ku wada qaateen Madaxweyne Farmaajo & Madaxweynayaasha Maamul Goboledyada dalka ka jira, kaasi oo qudhiisa natiijo fiican ka soo bixin.

Waxaa weli magaalada Muqdisho soo gaarin Madaxweynayaasha Maamul Goboledyada, xitaa kuwa taageersan dowladda Soomaaliya, kuwaasi oo kala ah Galmudug, Koonfur Galbeed iyo Hirshabelle.

Sida muuqata dowladda Madaxweyne Farmaajo waxaa hareeyay siyaasad xumo ku saleysan la dhaqan la‘aanta maamul Goboledyada oo muhiim ay ahaan laheyd wadatashigooda.

Si kastaba, Soomaaliya ayaa la filayaa inay ka dhacdo doorasho, waxaase ka horeeya hanaanka wadatashiga ee la wada ogol yahay, taasi oo sida muuqata dowladda aysan haynin wadadeeda.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...