Wednesday, June 24, 2026
24.9 C
Mogadishu

Sacuudiga oo Xaalo laga dhoofiyay Berbera dib u soo celiyay

Berbera (Halqaran.com) Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha iyo Kalluumaysiga Somaliland, Mudane Siciid Sulub Maxamed ayaa ka hadlay Xoolo laga dhoofiyey Dekedda Berbera oo Sucuudiga dib u soo celiyey.

Wasiir Saciid Sulub ayaa sheegay in Sucuudiga iska Caadaystay inay Xoolaha loo dhoofiyo ay marmarka qaarkood iska soo celiyaan.

Sidoo kale, waxaa uu sheegay in ay waddan baaritaano ku aadan sababta keentay, islamarkaana aysan waxba ka jirin in Somaliland aysan dadaal ku bixin sidii xoolahaasi Sacuudiga looga codsan lahaa in ay aqbalaan.

“Maxaa lagala hadlayaa Sucuudiga Xooluhu way u furan yihiin oo muu joojin, Xanuun Xoolaha la soo celiyey ka muuqdaana ma jiro oo waanu baarnay. Dalalka wax dhoofiya ayaynu la mid nahay, intaas oo Markab baa ku soo noqday Jabuuti, intaas oo Markab baa ku soo noqday Suudaan, maxay kuwaa kaga duwan nahay Somaliland.” ayuu yiri Wasiirka.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...