Thursday, April 30, 2026
28.3 C
Mogadishu

DF Soomaaliya oo maanta si rasmi ah u furtay duulimaadyadii gudaha

Muqdisho (Halqaran.com) – DF Soomaaliya ayaa Axadda maanta ah si rasmi ah u furtay duulimaadyada gudaha Soomaliya oo xirnaayeen bilihii la soi dhaafay, kadib saameyntii ka dhalatay Cudurka Coronavirus.

Munaasabad kooban oo lagu qabtay Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho ayaa waxaa halkaasi looga dhawaaqay duulimaadyada gudaha inay si toos ah u furan yihiin maanta kadib, iyadoo la tixraacayo tilmaamaha Covid-19 loo baahan yahay dadka inay raacaan.

Axmed Macalin Xasan oo ah maareeyaha Hay’adda duulista rayidka, ayaa sheegay inay u diyarsan yihiin howsha adag ee hortaala maadaama wali uu jiro halista cudurka Covid-19.

Golaha Wasiirada Xukumadda Federaalka Soomaaliya ayaa shirkii golaha ee Khamiislaha ah ku ansixiyay in dib loo furo duulimaadyada gudaha dalka oo hore loogu hakiyay si loo yareeyo faafitaanka cudurka Covid-19.

DF Soomaaliya ayaa 29 bisha Maarso ee sanadkaan 2020 hakisay sabab la xariiira cudurka safmarka ah ee Coronavirus.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...