
Baydhabo (Halqaran.com) – Allaha u naxariistee Xildhibaan Yuusuf Cabdi Suuri (Baxaar) oo ka mid ahaa Xildhibaanada Baarlamaanka Koonfur Galbeed ayaa xalay ku geeriyooday Magaalada Baydhabo.
Xildhibaanka oo muddooyinkii ugu dambeysay la tacaalayay xanuunka sokorta ayaa la sheegay in shalay uu aad ugu kacay, ugu dambeena uu xalay ugu geeriyooday hotelkii uu ka deganaa Magaalada Baydhabo.
Ex Xildhibaan Mudiyow Maxamed Iftiin oo ka mid ahaa Baarlamaankii hore ee Koonfur Galbeed oo isku hotel wada deganaayeen marxuumka ayaa xaqiijiyay geerida naxdinta leh ee ku timid.
Xildhibaan Baxaar ayaa ka mid ahaa Labadii Baarlamaan ee Maamulka Koonfur Galbeed uu yeeshay, tan iyo markii maamulkaasi la aasaasay lix sano horteed.
Dhanka kale, guddoomiyaha Baarlamaanka Koonfur Galbeed, Cali Saciid Fiqi ayaa ka tacsiyadeeyay geerida ku timid Xildhibaanka Baarlamaanka Koonfur Galbeed ka tirsanaa.
“Aniga oo ku hadlaya magaceyga, kan Xildhibaanada Baarlamanka Koonfur Galbeed iyo Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, waxaan halkan tacsi uga dirayaa qoyskii, eheladii iyo reer Koonfur Galbeed oo uu ka baxay Yuusuf Cabdi Suuri (Baxaar).”
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





