
Muqdisho (Halqaran.com) – Guddoomiyaha Madasha Xisbiyada Qaran Shariif Sheekh Axmed, ayaa wadahadal khadka teleefanka kula yeeshay Safiirka Ingiriiska ee Soomaaliya, Amb Ben Fender.
Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed, ayaa sheegay inay Safiirka ka wada hadleen diyaargarowga loogu jiro Doorashooyinka Qaranka, la dagaalanka Coronavirus, xiriirka Dowladda Dhexe iyo Dowlad Goboleedyada iyo weliba wadahadalada Dowladda Federaalka iyo Somaliland.
Qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook ayaa u qornaa “Waxaan khadka teleefanka ku wada hadalnay Safiirka Ingiriiska ee Soomaaliya, Amb Ben Fender.”
“Waxaan ka hadalnay diyaargarowga doorashada qaranka, la tacaalidda COVID-19, xiriirka Dowladda Dhexe iyo maamulada xubnaha ka ah iyo dib u heshiisiinta ay hirgaliyeen Maamulada Galmudug iyo Jubbaland.”
“Sidoo kale wadahadalada Soomaaliya iyo Somaliland oo soo bilowday xilligii aan xafiiska joogay, maantana hakad ku jira ayaan isla soo qaadnay.”
“Ugu dambeentii waxaan isla garanay abuurista jewi degan iyo siyaasad loo dhan yahay inay tahay xalka keliya, ee lagu gaari karo hannaan doorasho oo xor ah.”
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





