Friday, April 17, 2026
27.9 C
Mogadishu

UPDATE: Muxuu ka yiri taliska Amisom diyaaradda African Airways ee ku burburtay degmada Bardaale?

Sawir ka mid ah burburka diyaaradda African Airways ee ku dhacday degmada Bardaale

Muqdisho (Halqaran.com) – Taliska Ciidanka Nabad Ilaalinta Midowga Afrika ee Soomaaliya ayaa war ka soo saaray diyaaraddii maalin ka hor, ay Ciidanka Militariga Itoobiya ku soo rideen Degmada Bardaale ee Gobolka Baay.

Qoraal ka soo baxay Xafiiska Amisom, uuna ku saxiixnaa Madaxa Ciidanka Amisom ahna Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya, Amb. Francisco Caetano Madeira ayaa marka loogu tacsiyadeeyay qoysaska iyo ehelada dadkii ku dhintay shilkaasi diyaaradeed.

War qoraalkan ayaa lagu sheegay in diyaaradda oo ka tagtay Magaalada Baydhabo ay la socdeen lix qof, kuwaa oo dhammaantood la xaqiijiyay inay dhinteen.

“Diyaaradda ka tagtay Baydhabo, waxaa saarnaa lix qof, waxayna ku sii jeedeen Bardaale, oo 300km waqooyi galbeed kaga toosan Caasimadda Muqdisho.” ayaa lagu yiri qoraalka.

Sidoo kale, waxaa lagu yiri qoraalka, “Hawlgalka Midowga Afrika ayaa soo dhaweynaya go’aanka ay gaareen Hoggaamiyeyaasha Soomaaliya, Kenya iyo Itoobiya ee ku saabsan baaritaanka shilka.”

Taliska Amisom ayaa sidoo kale qoraalka ku cadeeyay in ay saddexda dowladoodba kala shaqayn doonaan, islamarkaana ay fududayn doonaan baaritaanada la xiriira baahida keentay in dhulka la soo dhigo diyaaradaasi.

“Waxaan rajeyneynaa inaan sii wadno wada shaqeynta aan la leenahay Dowladaha Somaliya, Kenya iyo Itoobiya, waxaana taageeri doonnaa oo aan fududeyn doonnaa baaritaanada looga goleeyahay in lagu cadeeyo duruufaha ku xeeran dhacdadaasi.” Ayaa lagu sheegay qoraalka.

Si kastaba, ciidanka militariga Itoobiya ee saldhigga ku leh Garoonka Degmada Bardaale ayaa hubka lidka diyaaradaha dhulka ku soo dhigay diyaaradda African Airways, xilli ay isu diyaarineysay inay cago-dhigato garoonkaasi.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...