Tuesday, May 26, 2026
27.7 C
Mogadishu

Taliye cusub oo loo magacaabay Saldhiga Deg. Dharkeenley, kaddib markii…

Gaashaanle Axmed Botan Diiriye

Muqdisho (Halqaran.com) – Taliyihii Ciidamada Booliska Saldhiga Degmada Dharkeenley ayaa xilkii laga qaaday, iyadoo islamarkiiba loo magacaabay Sarkaal cusub.

Taliyaha Ciidamada Booliska Soomaaliya ayaa xilkaan ka qaaday Taliyihii Saldhigaasi, lama oga sababta xilka looga qaaday.

Gaashaanle Axmed Botan Diiriye ayaa loo magacaabay Taliyaha Saldhiga Degmada Dharkeenley.

Sarkaalkaan cusub ayaa waxa uu ka mid ahaa Saraakiishii hore ee Ciidamada Booliska Soomaaliya oo muddo la soo shaqeeyay Ciidamada Booliska Soomaaliya.

Ugu dambeyn, saldhiga Dharkeenley lixdii bilood ee la soo dhaafay waxaa soo maray Saddex Taliye Saldhig, lamana oga sababaha xilalka looga qaaday Saraakiishaasi.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...